Xukumadda Ankara oo Aduun lacageed Dul Dhigtay shaqsi ku lug lahaa Afjambigi dhicisoobay ee Turkiga

Turkiga ayaa $700,000 oo dollar u balan qaaday cidii keenta macluumaad horseedi kara qabashada Maxamed  Dahlan oo ahaa sarkaal hore ugu tirsanaa xisbiga fatah ee falastiin oo hada si  masaafuris ah ugu nool Imaaraadka Carabta. Ankara ayaa ku Eedeysay 58 jirkaan inuu ahaa calooshiis  u shaqeyste isla markaana uu ku lug lahaa isku day afgambi ka dhanka  ah madaxweynaha Turkiga Racep tayyib Erdogan 2016kii.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa u sheegay wargeyska hurriyet in Dahlan lagu daray liiska argaggixisada aadka loo doonayo. Dahlan waxaa laga buriyay xisbiga fatah 2011, halka 2016kii Maxkamad  ku taal  falastiin  ay ku xukuntay  in uu dalka ka maqnaado seddex sano.

Saxaafada turkiga ayaa si joogto ah ugu Eedeysay Dalhan inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay  dalka Turkiga iyo inuu door ka ciyaaray dilki jamaal khashoggi