Xisbiga C/raxmaan C/shakuur Oo Ka Digay Ciidamada itoobiya Ee Galay Dhuusamareeb

War murtiyeed mowqifka Xisbiga Wadajir ee ku aadan faragelinta ciidanka Itoobiya ku hayaan Jubbaland iyo Galmudug, gaar ahaan Gobollada Gedo iyo Galgaduud. Cabdiraxmaan Cabdi shakuur warsame Gudoomiyaha Xisbiga wadajir ayaa sheegay in ay kasoo Horjeedaan islamarkaana ay Xunyihiin dhibaatada ay ciidamada itoobiya ku hayaan shacabka kunool jubaland iyo Galmudug.

Dhanka kale dhawaan madasha  xisbiyada qaran wax ay soo saareen war saxaafadeed ku aadan faragalinta ciidamada itoobiya ku hayaan Gobollada Gedo iyo Galgaduud. iyagoona ku baaqay in laga qabto dhibaatada dalka ay ku hayaaan.