Xilibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka Hadlay Qodobada Kulanka Madaxtooyada ka dhacaya.

Goordhow ayey aheyd markii Madaxtooyada ay Baahisay qodobada Shirka Madaxtooyada la filayo in uu ku dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Madasha Xisbiyada ee uu horkacayo Shiikh Shariif.

Hadaba Xilibaan Fiqi oo ka mida Isbaheysiga Madasha Xisbiyada ayaa sidan hoos ku qoran ku daabacay bartiisa Facebook.

Ajandaha kulanka madaxweynayaasha ee maantay waxaa diiradda lagu soo saari do
onaa:

1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.