Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Ku Noqashada Qoondaha Miisaaniyaddda 2019-ka

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Maanta waxa Ansixiyeen Ku Noqashada Qoondaha Miisaaniyaddda 2019-ka, Iyadoo Kooramka Golaha Uu Ku Furmay 141 Mudane, Waxa Kulanka Shir Guddominayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Labaad Mudane Cabduweli Shekh Ibraahim Muudey.

Waxaana Cod Loo Qaaday Ku Noqashada Miisaaniyadda 2019-ka Waxana Ogalaatay 118 Mudane, Waxaa Diiday 15 Waxaa Ka Aamustay 8, Sidaas Ayuuna  Ansax Ku Noqday.