Xabad joojin ka dhaqan Gashay Marinka Qaza

Isra’iil  iyo  Islamic jihaad ayaa ku Heshiiyay  Xabad joojin kadib marki  ay dhex dhexaadisay  dowladda Masar. xabad joojinta lagu heshiyay ayaa dhaqangashay 5:30 aroortinimo . sarkaal sare oo reer masar ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u  sheegay in waddankiisa uu sameeyay dadaaallo lagu soo afjarayo   dagaalkii  labadii maalmood ka socday marinka Qaza.

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan jabhadda islaamiga ah, In  falastiiniyiinta ay waajib ku tahay inay hubiyaan soo celinta xasilloonida qaza.

Wakiil ka socday qaramada midoobey ayaa gaaray  Qaahira galabnimadii Arbacada saraakiisha garoonka ayaa sheegay inuu socdalkaas  wakiilka ku qotomay  wadahadalada looga golleeyahay joojinta dagaalka ka socdo marinka Qaza.