Wufuudii Kismaayo Aaday oo Muqdisho Bari kusoo wajahan iyo Dowlada..

Bari waxaa magaalada Muqdisho kusoo wajahan Wufuudii ay kala horkacayeen Xasan shiikh, Shiikh Shariif oo Madaxweynayaan kasoo noqday Wadanka iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani.

Wafuudan oo mucaaradsan Dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ayaa iyagu ka qeybgalay Caleema saarkii Axmed Madoobe oo ay Dowladu diiday Doorashadii Tageerayaashiisa ay ku doorteen Kismaayo iyadoo aan la ogeyn talaabada Dowlada ka qaadidoonto xubnaha bari Xamar imaanaya.

Xubnaha bari xamar la filayo in ay yimaadaan waxaa ka mida Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdikariin Guuleed oo ahaa xubnihii ugu horeeyey ee gaara Kismaayo iyagoo ku jooga Diyaarad toos uga soo qaaday Nairobi taasoo jabisay amarkii Dowlada ee ahaa in Duulimaad toosa oo ka yimid Nairobi uusan si toosa Kismaayo utagi Karin.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani ayaa marka uu xamar kasoo dago aan soo dhaafidoonin Garoonka Aadan Cade isagoo uga sii gudbaya Puntland.

Maalinta bari oo la filayo in labo diyaaradood ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho wafuudii ka qeybgashay Caleema saarka Axmed Madoobe ayaanan la ogeyn talaabada Dowladu marka ay xamar kasoo dagaan ay sameyn doonto.