Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Hey’addaha USAID iyo PACT, Kulanka ayaa looga hadlay sidii garsoorka dalka sara loogu qaadi lahaa gaar ahaan adeegyadda. Habka Xallinta Khilaafka ADR, Kaalma Sharciyeedka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhinaca sharciga, dhamaan qodobadii laga wada hadlay si buuxda ayaa la isku afgartay ayaa lagu yiri War Saxaafadeed maanta kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.