Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Kulan layeeshay Dhigiisa Sucuudiga

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa  kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxa ayna  ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh, Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.

dowladda Soomaaliya iyo sacuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir aad wanaagsan   iyadoona dowladda sacuudiga ay marar badan caawisay dowladda somaaliya.