Wariye Xirnaa 68 Cisho Oo Xabsi laga siidaayey iyo FESOJ oo ka hadashay

Isutaga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxey soo dhaweyneysaa sii deynta Wariye Cabdiqaadir Barre Macalin oo 68 cisho xabsi ugu jiray war siyaasadeed uu tabiyay.

Wariye Cabdiqaadir waxaa magaalada Baydhabo lagu xiray 25-tii September 2019 markii uu baahiyay war la xiriira odiyaal cambaareeyay safarkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya looga hor istaagay magaalada Kismaayo.

“ Xuriyadeyda ayaan dib u helay galabta, hadda waxaan la joogaa qoyskeyga, si xaq darro ah ayaa xabsi la ii dhigay” sidaas ayuu FESOJ u sheegay wariye Cabdiqaadir.