Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada guriceel ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay si buuxda ula wareegeen  Ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo hore ugu sugnaaayeen Urur diimeedka  Ahlusuna

Ciidanka Xoogga dalka,gaar ahaan qeybta  21-aad iyo ciidamo ka tirsan Nabadsugida ayaa la wareegay ammaanka guud ee degmada, kaddib markii ay Is rasaaseyn kooban ay ku dhaxmartay Ciidanka dowlada iyo kuwa  Ahlusuna.

Xaalada degmada Guriceel ayaa saaka ah mid degan, inkastoo dadka shacabka ay sheegayaan in mar kale uu dhici karo dagaal Cabsina ay qabaan