War Degdag ah: Dowlada oo ka Hordhacday Wafdi Kenyaana oo ku Wajahan Kismaayo

Hey’ada duulista hawada ee Soomaaliya ayaa caawa amar adag kasoo saartay Duulimaadyada ka baxa Kenya ee tooska utagaayey Kismaayo.

Warqadan Hey’ada Duulista soo saartay ayaa lagu sheegay in Duulimaadyada Kenya ka yimaada aysan toos u tagi karin Kismaayo soona maraan Magaalada Muqdisho.

DF ayaa la rumeysan in ay kusoo beegtay kadib markii ay soo baxday in wafdi ay u direyso Kenya Magaalada Kismaayo kuwaa oo ay ka mid yihiin Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan, yuusuf Xaaji iyo Ganacsato.

Talaabadan Dowlada Soomaaliya qaaday ayaan la ogeyn in ay u hogaansameysoMagaalada kenya iyo in kale.

Kismaayo ayaa waxaa kusii gurmaya wufuud Mucaarad ku ah DF kuwaa oo la dhacsan Axmed Madoobe.