Trump Oo Weeraray Mid ka mid ah Marqaatiyashii la dhageysaneyay

Madaxweynaha  Mareynkanka Donald Trump ayaa jimcihii weerar ku qaaday safiirki hore ee mareynkanka u fadhisay Ukraine ayadoo kamid aheyd marqatiyaasha la dhageystay.

Maria oo ah dibloomaasiyad ayaa u sharaxday congreeska mareynkanka ee dhageysigii labaad sida ay ula dagaalantay masuqmaasuqa ka jira Ukraine iyo sida madaxweyne Donald Trump uu sida lama filaanka ah  xilka ugu  qaaday horaantii sanadkan.

Trump ayaa bartiisa twitterka  ku dhaleeceeyay Maria asagoo sheegay in meel waliba oo  ay  kaso shaqesay  aheyd mid aad u xun xitaa  Soomalia ayuu si raaciyay fariintiisa . Cadaadiska Trump ee Ukraine ayaa ah wadnaha baaritaanka dimoqraadiga uu hogaamiyo ee  ku aadan in madaxweynaha  Jamhuriga ee Donald Trump si khaldan u adeegsaday siyaasada Arrimaha dibada ee mareynkanka si uu u wiiqo mid ka mid ah dadka ka soo horjeedda ee doorashada 2022.