Tiktok oo Raali Galisay Muslimiinta Shiinaha

Shirkada tiktok oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa qiratay  in si kooban hawada lagaga saaray muqaal ka hadlayey dhibatooyinka lagu hayo muslimiinta laga tirada badan yahay ee waqooyi galbeed  shiinaha isla markaasna shirkada waxaa ay raali galin ka bixisay  ficilkaas hawada lagaga saaray  muuqaslkaas ay daawadeen in kabadan 1.6 milyan oo qof  ayadoo dhanka kalana  sheegtay in si ku meelgaar ah looga saaray  sababo dhanka farsamada ah dibna loo soo celin doono.

Feroza Aziza oo ah gabadha soo gilisay  muuqalkaas ayaa sheegtay in mudo bil ah laga xayiray inay barteeda tiktoka so galiso  muqaalo cusub kadib markii ay soo bandhigtay muqaalkaas ka hadlayey tacadiyada  loo geysto  bulshada muslimiinta ah ee  ku nool dalka shiinaha.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in muslimiinta laga tirada badan yahay dalka shiinaha ka sokow faquuq sido kale laga xanibo baraha ay bulshada ku leeyihin taas oo ay ku soo bandhigaan dhibatoyinka loo geesto.