Ra”iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa Maanta Waxa uu shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada oo lagaga hadlay billaabidda wajiga labaad ee gurmadka fatahaada, ansixinta siyaasadda qaran ee qaxootiga iyo amniga guud ee dalka.
Waxaa xirmay wajiga koowaad Ee Gurmadka fatahaadaha iyadoona wali ay dhibaateesan yihiin dadkii ay saameeyeen fatahaadaha dalka kadhacay. waxaana ay sheegeen qaar kamid ah qoysaska danta yar ee uu Saameeyay wabiga shabeelle in wax gurmad ah aan lagaarsiin oo ay wali ubaahanyihiin caawinaad.