Shir Muhiim Ah Oo Kafurmay Magaalada Kambala

Shirkaan oo ah Mid ay ka qayb galayeen Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, Maamul ka Gobolka Banaadir iyo W.Maaliyadda DFS.ayaa waxa uu ka furmay Kambala.

Wasiir maaliyada XFS Cabdirahmaan ducaale Beyle ayaa kawar bixiyay shirkaan waxa uuna yiri”   Waxaa noo furmay shirkii horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, Maamul ka Gobolka Banaadir iyo W.Maaliyadda DFS.

Waxaan ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeenna, ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato.

Waxa dhammaan naga go’an inaan Wadajir Waajibaadkayaga u gudanno.

Dhinaca kale waxaan u mahadcelinayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Kampala oo soo dhaweyn noogu sameeyay Safaarada Soomaaliya.