Sheekh Shariif Oo Xisbigiisa ka Eriyay Mudane ka Tirsan Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Oo kamid ah Xildhibaanda Golaha shacabka sidoo kalane ahaa Xoghayaha Xisbiga Himilo qaran oo uu Hogaaminayo Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa lasheegay in xisbigaas laga eryay.

Madaxda Xisbiyada Qaran waxa ay sheegeen In Xildhibaanka uu beeniyay war saxaafadeed ay dhawaan soo saareen kaas oo kahadlayay  Ciidamada itoobiya  ay galeen Degmada dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdixakiin ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo in laga saaro xisbiga himilo qaran oo uu kamid ahaa.