Sheekh Shariif Oo Sheegay in marna Uusan Raali ka ahayn Dib u Dhac kuyimaada Doorashada Dalka Ee 2021 Kadib Kulan uu laqaatay Danjire Donald Yamamoto

madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya hadana ah Hogaamiya Xisbiga Himo qaran ayaa maanta waxa ay kulan wada qaateen Danjire Donald Yamamoto oo ah safiirka Maraykanka ufadhiya Soomaaliya. Sheekh shariif oo ka warbixinayay kulanka ay wada yeesheen Donald Yamamoto ayaa yiri”  Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021.

Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda.

Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado.