RW Xasan Cali Kheyre oo Dhagax dhigay Xarun Muhiim u ah Adeega Bulshada.

Wadada Makka almukaraka ayaa xiligan xiran ilaa Soobe ayaa goordhow la furay iyadoo wadadu ay taagnaayeen  Ciidamo Koofiyad Guduud ah  dhaqdhaqaaqa wadadana  gawaarida laga joojiyey, Dadkuna ay ahaayeen kuwa lugeynaya.

Sababta Xirnaanshaha Wadada ayaa aheyd  RW Xasan Cali Kheyre oo dhagax dhigayey Xarunta Gurmadka Qaranka oo ku dhextaal Xarunta Hargaha iyo Saamaha.

Xaruntan cusub ayaa bulshada faaiido ugu fadhisa waxaanaay kusoo beegmeysaa iyaoo maalinta bariya ay ku began tahay 14 Oktooban oo ah maalintii uu dhacay Qarixii ugu weynaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho kaasoo tirada dadka u dhintay ay ku dhowyihiin Kun qof dhaawacana uu aad uga badan yahay tirada dhimasha.

Sidoo kale Xarunta Hargaha iyo saama ayaa waxaa horey uga dhacay Qarax ay ku dhamaadeen Arday lo qaadayey Dalka Turkiga sanadkii 2011