Ra’iisul wasaaraha oo shir muhiim ah shir Gudoomiyay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed.

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay James Swan maamule gobaleedka Bangiga horumarinta Afrika ee arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha madaxa Bariga Afrika ee wasaaradda iskaashiga dhaqaaha dowladda Jarmalka iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Soomaaliya Rwanda Uganda iyo Kenya ayaa kulanka ka sheegay in maal gelinta khayraadka biyaha dalka ay muhiim u tahay horumarka bulshada.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in 24% dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 15.44 milyan, ay heli karaan biyaha ay u baahanyihiin Sababo la xariira in aysan jirin awood iyo hannaan biyaha lagu soo saaro oo fududeyn karta in bulshadu ay hehso biyaha ay u baahantahay.