Qarax kadhacay Siiriya oo Dad ay ku dhinteen

Turkiga ayaa sheegay in maleeshiyada kurdiyiinta ay ku dileen 10 qof magalada siiriya ee Al-Bab. Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay  in weerar  loo Adeegsaday gaari  waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay  oo ay  leeyihiin dagaalyahannada kurdiyinta siiriya ay ku dhinteen 10 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof  Magalada Al-Bab oo ay ciidamadda Turkiga ku qabsadeen weerar  sanadkii 2016.

Ankara ayaa u aragta YPG  inay  tahay  koox  argagixiso ah oo xiriir  la leh  Kurdiyiinta  PKK oo mudo tobanaan sano ah kacdoon ka waday Turkiga .Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in kooxda argagixisada  PKK iyo YPG ay wadaan beegsiga shacabka aan waxba galabsan iyagoo adeegsanaya qaab la mid ah midka  Daacish.  Weerarkii ugu dambeeyay ee Turkiga ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay xulafada reer galbeedka kuwaas oo sheegay in weerarkas caqabad uu  ku noqon karo dagalka ka dhanka ah daacish  walow Turkiga ay iska fogeeyeen walaacyadas.