Qaramada Midoobey Oo Ka Murugeysan Qaraxii Soobe Oo Maanta Ku Beegan

James swan wakiilka Qaramada midoobe uqaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in  qaramada midoobe ay laqaybsaneyso Shacabka soomaaliyeed murugada dadkii ku dhintay qaraxii isgooska soobe ka dhacay 14-october sanadii 2017

James swan ayaa Sheegay  in  Qalbiyadooda  aysan  Ka go,een murugada  iyo  dhibaatadii  Uu ugeestay qaraxaas  umadda soomaaliyeed James swan waxa uu sidoo kale xusay in Qaramada midoobe  ay diyaar utahay caawinaada bulshada soomaaliyeed

Maanta Oo kale 14-October 2017 ayay aheed markii uu qarax musiibo ahaa uu ka dhacay isgooska soobe iyadoona qaraxaas uu noqday mid saameen kuleh  umadda soomaaliyeed islamarkaana wali bulshada soomaaliyeed ay xasuusanayaan.