Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in dadaalada Aduunka ee lagu joojinayo isbeddelka cimilada ay yihiin kuwo aan dhameys tirnayn iyo in ilaa iyo hada ay jiraan khataro ah in kuleylka aduunka uu dhaafi karo heerka ugu sareeya.
Isagoo ka hadlayay ka hor bilowga shirka cimilada oo caalami ah ee ka dhacaya Spain ayaa Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in saameynta kuleylka sii kordheyaan oo ay ku jiraan cimilo aad u ba’an durba laga dareemayo aduunka oo dhan cawaaqib xumana ay ku reebayaan Aadanaha iyo noolaha kale.
Guterres wuxuu xusey in aduunku leeyahay cilmiga sayniska iyo hab farsamo oo lagu xadidi karo diirimaadka aduunka haseyeeshee siyaasadaha is diidan iyo wadamada oo aan daacad ka aheyn la dagaalanka wasakhowga hawada ay caqabad ku yihiin in cimilada aduunka la xakameeyo .