Maxaa looga Hadlay Kulankii Maanta Ee Golaha Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
2.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta
iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Intaa ka dib ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhagdheer” ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee
Hindise-Sharciyeedka shirkadaha.

Ugu dambeyntii Waxaa shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.