Mareykanka oo Garab istagay Dibad-Baaxyaasha Hong Kong

Aqalka wakiilada mareykanka ayaa meel mariyay laba sharci  oo lagu garab istaagayo dibad-baxayaasha Hong Kong isla markaana digniin loogu dirayo shiinaha ayadoo la rajeeynayo in madaxweyne Trump  saxiixo sharciga ganacsiga oo uu la yeeshay xukumada Beijing.

Sharcigan ayaa u ogolaan doona waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka inay caddeyso ugu yaraan hal mar sanadkii in Hong Kong  ay hesho madax-bannani iyo  inay noqoto xarunta maaliyadda adduunka.

Xukamadda Beijing ayaa dhaleeceeysay sharcigaas waxayna wacad ku martay inay qaadi doonto talaabooyin adag oo ay ku ilaalinayso madax-banaanideeda iyo ammaankeeda wuxuuse intaasi ku daray shiinaha in sharcigaas aaney  dhaawici doonin danaha shiinaha oo kali ah balse uu saameyn doona danaha gaarka ah ee Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa heysta 10 maalmood marka laga reebo axada inu saxiixo sharciga uu ansixiyay golaha wakiilada mareykanka hadii uusan ka door bidayn inuu adeegsado diidmada qayaxan.