Muwaadin Mareykan ah oo ku jira Liiska Argagixisada la Doonayo ee FBI ayaa lagu soo oogay dambiyo dheeraad ah oo la xiriira inuu xiriir la leeyahay kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan bayaan ay soo sartay FBI-da oo la shaaciyey Isniintii.
Iyadoo aan laga bixin faahfaahin gaar ah, Jehad Serwan Mostafa, oo 37 jir ah oo degenaa San Diego ayay FBI-da Marenkanka sheegtay inuu kaalin muhiim ah ka qaatay howlaha al-Shabaab iyo inuu maalgaliyey intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2017 iyo inuu al shabab u qabilsanaa waaxda walxaha qarxa.
“Maanta, Mostafa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadin Mareykan kan ugu sareeya ee dalka dibadiisa kala barbar dagalama argagixisada,” ayuu yiri Scott Brunner, oo ah wakiilka xafiiska FBI-da ee San Diego. FBI-da ayaa intaasi ku dartay in $ 5 milyan oo dollarka mareykanka ay siin doonto Cidii keenta macluumaad la xiriira qabashadiisa ayadoo la sheegay in 2006-dii uu ku biiray alshabaab iyo in uu qeyb buuxda ka qaatay weerarki lagu qaaday saldhiga belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliya iyo kuwa mareykan ah.
Wakalada waraka ee AP oo so xigatay nuqul ka mid bayaanka FBI-da ayaa sheegtay in Mostafa uu ku dhashay Waukesha kuna koray San Diego, halkaasoo mas’uuliyiintu sheegeen inuu ku leeyahay qaraabo. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda California sanadkii 2005tii.