Madaxweyne ku xeegna Bangiga Aduunka Ee Africa oo Maanta Muqdisho Soo Gaaray

Wasiirka Maaliyada XFS  Cabdiraxmaan ducaale beyle ayaa maanta waxa uu  Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay Madaxweyne K/Xigeenka Bangiga aduunka Ee africa. waxa uuna wasiir beyle yiri” Waxaa Sharaf ii aheyd in aan maanta Muqdisho ku soo dhaweeyo Madaxweyne ku Xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika Hafez Ghanem oo booqasho taariikhi ah noogu yimid.

Mr Hafez Ghanem iyo wafdigiisu ugu horeyn waxay shir gaar ah la qaateen Masuuliyiinta W.Maaliyadda, kadib waxaan si wada jir ah u xarig-jarnay Xafiiska Cusub ee Bangiga Aduunka Qeybtiisa Soomaaliya qaabilsan.

Sidoo kale Hafez Ghanem waxa uu la kulmay R/Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dalka, waxa uuna caddeeyay in Soomaaliya ay maanta taagantahay meel aad u sareysa marka loo eego kalsoonida Caalamka.

Ugu dambeyntii waxaan u mahadcelinayaa, Madaxda Dalka, Bahda W.Maaliyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed, horumar walba oo aan gaarno waa wadajirkeena iyo isku-duubnideena.