Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Leicester City Kulankoodii ugu dambeeyay ee ka Hor Fasaxa xulalka kulan ka dhici doona garoonka Anfield kana tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.
Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka premier League iyo waliba in ay gaadho guusheedii 8-aad oo xidhiidh ah.
Dhanka kale kooxda Leicester City oo hal dhibic kala baxday Anfield xilli ciyaareedkii hore ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u noqon lahayd kooxdii ugu horaysay ee dhulka dhigta ama dhibco ka heshay Liverpool premier League xilli ciyaareedkan.
Hordhaca: Liverpool Vs Leicester City
Saacada: 05:00
Garoonka: Anfield