Labada Aqal ee Baarlamaanka oo Kulan wadajir u Furmay iyo Ajandaha.

Waxaa goordhaw furmay kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa si wadajir ah u shir gudoominaayo gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal Sheikh Abdiraxmaan iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka waxaa soo xaadiray 171 mudane oo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1-Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020.