Akhriso Faallo:-Kow iyo Labaatanka Oktoobar Konton Guuradii Kacaankii Oktoobar

Maanta oo kale Konton Sano ka hor ayay ahayd markii Soomaaliya uu ka dhacay Af-Gembigii Millatari ee uusan Dhiiggu ku daadan ka gadaal markii la Dilay Madaxweynihii Labaad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke  Alle ha u Naxariistee Xilli uu Booqosho ku joogay Gobolka Sool ee Soomaaliya.

Af Gembigan oo uu Hoggaaminayay Jaalle Siyaad Alle ha u Naxariistee isaguna ayaa markii uu Talada Dalka Gacanta ku dhigay ugu horeynba Laalay Dastuurkii Dalku lahaa iyadoo meeshana laga saaray Barlamaankii uu Dalku lahaa oo xiligaa ku mashquulsanaa Ciddi Beddeli lahayd Madaxweynihii la Dilay.

Millaterigu markii ay Dalka qabsadeen waxay markiiba soo saareen laba Warqadood oo ay ugu magic dareen Warqadda Koowaad iyo Tan Labaad oo ay ku qeexnaayeen Siyaasadda arrimaha Dibada ee Soomaaliya iyo tan gudaha iyadoo sidoo kalena meesha laga saaray Xisbiyadii faraha badnaa ee Kacaanka ka hor Dalka ka jiray.

Inqilaabka Ciidamadu ay dhigeen ayaa Shacabkii Soomaaliyeed ee Xilligaa joogay waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan kuwa soo dhaweeyay iyo kuwa Mucaaraday oo u arkayay in Millateri aan loogu tala galin Siyaasad  balse ay shaqadoodu tahay oo keliya wax bur burin halka aragtida ta aka duwana ay aaminsanaayeen in Xaaladihii Dalka ka jiray xilligaa in ay dhaanto in la helo is bedel Siyaasadeed.

Kacaankii Dalka la wareegay ayaa Tallaabooyinkii u horeeyay ee qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa qaadashadii Mabdi’ii Shuuciyadda ee Hantiwadaagga kaasoo loogu dhawaanayay Xukuumaddii Midowgii Suufeeti ee Xilligaa jirtay taasoo Mandiqaddan Istaraatiijiyad Millateri ka lahayd maadaama uu berigaa socday dagaalkii qaboobaa ee berigaas u dhaxeeyay waddamadii Galbeedka iyo Bariga ama haddii si kale loo dhigo labadii Gaashaan buurood ee Warso iyo Nato.

Wax qabadkii Kacaanka marka la eego ayaa ahaa mid Lixdii Sano ee u horeeyay wax badan ka bedelay Siyaasaddii Dalku ku socday ka gadaal markii Mashaariic is daba yaal uu keenay sida Ol-olihii Aasidda Qabyaaladda waa sida warka loo dhigaye, Ol-olihii qorista Farta Hooyo, Abuuritaankii Mashaariicdii Shaqada loogu abuurayay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo Xaalado Shaqo la’aan baahsani ay haysay, sidoo kale Tallaabooyinka Kacaanka lagu xusayo ayaa waxaa ka mid ahaa Qarameyntii Shirkadihii Ajaaniibtu maamuli jirtay ee Dalka ka jiray, sida Bangiyadii, Batroolkii, wuxuu kale Lacag la’aan ka dhigay wax barashadii Dalka ,Caafimaadkii. Iyo ugu danbayn Xoreentii Dhulka Soomaaliyeed ee Gumaystaha ku jiray

Sanadkii 1976dii ayay ahayd markii ay bilaaban tay Musiibadii Dalkan ka Curatay kaddib markii Taladii Dalka la sheegay in gacanta loo geliyay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo uu Xoghaye guud ka noqday Jaalle Siyaad Xubnaha ugu badana Xisbiga ay noqdeen Saraakiishii Xukunka qabatay oo Direyskii Ciidanimo soo dhigtay soona gashtay Dhar Cad si ay ugu muuqdaan Dad Rayid ah.

In kastoo Kacaanku wax badan qabtay haddana Dhaliishiisuu watay ka gadaal markii uu soo baxay Sharcigii Xeerka Qoyska Sanadkii 1974kii markaasoo Culumadii Soomaaliyeed ay ka soo hor jeeseen Sharcigaas taasoo keentay in Dharaar Cad Culumadaas Dhegta Dhiigga loo daro, sidoo kale Taliska ayaa waxaa lagu dhaliilay Nidaamkii Digtaatooriga ama keli Talisnimada iyadoo markii danbana Qabiilkii uu ka awood badiyay awooddii Dawladnimo.

Dhaliilaha Kacaanka ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa in uu jiray Nidaamka Naas Nuujinta iyo Nin Jeclaysiga Qabiilnimo oo markii danbe qayb ka noqotay Maamulkii Siyaasadda Dalka.

Si kastaba wax dhamaystiranba  Ayan dunidanba jirin sidaa daraadeed Kacaankaasu wuxuu lahaa Dhaliil iyo Wanaagba taasoo markii danbe keentay in Dalka ay ka hana qaadeen Jabhado Hubaysan oo ay ugu horeysay ee SSDF ee uu hoggaaminayay Cabdullaahi Yuusuf sanadkii 1978dii.

Ugu danbayntiina Cadaadiskii ka imaanayay Jabhadihii Hubka qaatay ayaa keenay in Taliskii Afka Ciidda loo daro Sanadkii 1991kii iyadoo af gembigaas kadib Dalku uu galay Xaalad aan wanaagsanayn, Jah wareer Siyaasdeed, kala qaybsanaan Siyaasadeed iyo Karaamadii Shacabkan oo Dhulka ku dhacday wallow Soomaaliya weli ayan si buuxda uga soo kaban Jugtii ku dhacday haddana Rajada Maanta ma aha mid Xun oo qof walba wuxuu aaminsan yahay in wixii dhici lahaayeen ay dhaceen lagana kaban doono.