Isku Dhacyo Dhexmaray Taageerayaasha Xisbullaah iyo Banaanbaxayaasha lubanaan

Ciidamada Amaanka ayaa Gaaska dadka ka ilmaysiiya ku furay kadib isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha xisbullaah iyo banaan baxayaasha ka soo horjeeda dowladda lubnaan ee  bartamaha magalada Beirut. Iskahor imaadka ayaa billowday ka dib markii taageerayaasha xisbullah ay weerareen xerada ugu weyn ee banaan baxayaasha Aadka u hubeysan ee ku taal bartamaha Beirud.

Kooxaha xisbullaah iyo Amal ayaa taageersan dowladda lubnaan waxa ayna ka soo horjeedaan dadka dhigaya dibad baxa.Hogaamiyaha xisbullah Hassan Nasrallah ayaa sheegay in Mudaaharaadyada ay ka faa’iidaysteen quwado shisheeye wuxu sido kale ka digay inay u jiidi karaan lubnaan dagaal Sokeeye wuxuuna intaasi ku daray in banaan baxayaaasha ay joojiyaan xirida waddooyinka.