Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta naaiga Granada kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Santiago Bernabue.
Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay gaarto guul ka caawisa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib bar-barihii niyad jabka lahaa ee tartanka champions League.
Sidoo kale kooxda Los Blancos ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha horyaalka kadib bar-barihii ay todobaadkii hore la galeen kooxda Atletico Madrid.
Sidoo kale kooxda Granada ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo hal dhibic oo kaliya ka dambeeya kooxda Real Madrid kadib guushii ay todobaadkii hore ka gaareen kooxda Leganes.
Hordhaca: Real Madrid Vs Granada
Saacada 5:00
Garoonka: Santiago Bernabue