Gudoomiye Xaliima Yarey oo warbixin xasaasi ah ujeedisay Golaha amaanka ee QM

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinak qaran ee Soomaaliya Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim ayaa war-bixin faafaahsan ka hor jeedisay xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey 21 November 2019.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in laga soo bilaabo 1960, oo ay Soomaaliya noqotay wadan madax-banaan la qabtay doorashooyin intii u dhaxeysay 1966 -1969 oo kaliya sidaas daraadeed dadka Soomaaliyeed aysan helin fursad 50-kii sano ee la soo dhaafay oo ay kaga qeyb- galaan doorashooyin ayna ku xaqiijinayaan xuquuqdooda siyaasadeed.

Guddoomiyaha ayaa Golaha ka hor sheegtay qaabka ku dhisan awood-qeybsiga beelaha ee 4.5 loo sameeyay si ku meel-gaar ah si looga gudbo marxaladihii adkaa ee ka jiray Soomaaliya ka dibna wadanka loo diyaariyo in ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

“Doorashada Soomaaliya ee sannadka 2020-ka waa kan ugu muhiimsan oo ay dadka Somaaliyeed heli doonaan xuquuqdooda siyaasadeed oo aysan helin 50-kii sano ee la soo dhaafay,waxaa kaloo hal-beeg u yahay beesha caalamka oo Soomaaliya in badan maal-gelisay si ay u dhiiri galiso Dimuqraaddiyadda iyo dowlad-wanaaga si hadda arimahaasi loo gaaro yoolka la hiigsanayo waxaa lagama maarmaan ah in hogaamiyaasha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay la yimaadaan dadaal dheeraad ah oo lagu qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof sanadka 2020/2021″ayay tiri Gudoomiye Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliima Yarey.

Ugu danbeyn gudoomiya ayaa ka codsatay hogaamiyaasha Soomaaliyeed in ay ka taageeraan guddiga dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah inuu guto waajibaadkiisa qaran ee ah inuu qabto doorashada ku dhisan hal qof iyo hal cod sanadka 2020/2021,taageeradaas oo ugu horeyso mid siyaasadeed,mid dhaqaale iyo in la ansixiyo sharciga doorashooyinka bisha Deseenbar 2019.

Sidaas si la mid ah ayey Guddoomiyuhu uga codsatay bah-wadaagta caalamka ee taageera Soomaaliya iyo Gilaha inay qeyb ka qaataan dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah how-galada doorashinka soo socda kaasoo lagu qiyaasay inay ku baxayso qarash dhan $53 Milyan oo Dollar.