Guddigii ay Magacaawday Dowladda Somaliya oo tegaya Dhuusamareeb

Guddiga doorashadadowlad goboleedka galmudug oo ay magcawaday wasaaradda arrimaha guduha soomaalaiya ayaa lagu wadaa in maant oo arbaca ah ay gaaraan magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Xubnaha guddiga doorashada galmudug oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa ay haatan badankood ku sugan yihiin magaalada muqdisho ,iyadoo maanta laga dareemayo tegitaankooda magaalada dhuusamareeb.

Sido kale xubnaha guddiga ayaa markii ay tagaan magaalada dhuusamareeb waxa ay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo wasiirka arrimaha gudaha soomaaliya oo xilgaan jooga dhuusamareeb

Guddiga Farsamada iyo Dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa horay u diiday Hoggaanka Ahlusunna iyo qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,balse aan weli la ogeyn sida ay uga Shaqeyn doonaan Magaalada Dhuusamareeb.