Guddiga KMG ee soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyink Oo Jowhar Kulan ku qabtay. Sawiro

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa galabta kulan kula qaatay magaaladda Jowhar ee caasimadda dowlad Goboleedka Hirshaballe ururrada bulshada rayidka ee ka jiro magaalo madaxda hirShabeelle ee Jowhar.

Ujeedka kulanka uu la qaatay guddiga ayaa ahaa sidii ururadda bulshada rayidka ah ee ka jiro maagallada Jowhar ay aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka ay ugu soo bandhigaan Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaran ee Golaha Shacabka.
Ururada bulshada rayidka ee ka jiro magaalo madaxda Hirshabeelle ayaa guddiga usoo bandhigay talooyinkooda iyo aragtiyadooda la xarriiro sharciga doorashooyinka Qaranka.

Kulankaan uu guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la qaatay ururarada bulshada rayidka ah eek a jira Hirshabeelle ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo uu guddiga la yeeshay mas,uuliyiinta Hirshabeelle.