Gudoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta waxa uu Gudoomiyeyaal cusub u magaacabay degamada Shangaani iyo Waaberi. Duqa Muqdisho ayaa Cabdicasiis Cismaan Jaamac waxa uu u magacaabay Gudoomiyaha Degmada Waaberi sido kale Aweys Sheekh Maxamed Amiin ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Shangaani. Labadabaan Gudoomiye ayaa waxa ay badalayaan Mahad Cilmi iyo Sahra Markeezi oo ku geeriyooday qarixii Kadhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.