Duqa Magaalada Muqdisho oo Dhagax Dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhulbixinta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay xarunta gaadiidka iyo dhulbixinta dowladda hoose ee Xamar oo aan shaqeynin muda ku dhow 30-Sano.

Mudooyinkii danbe maamulka gobolka banaadir ayaa waxa uu dardar galiyay howlahiisa shaqo iyadoona wali ay u harsan yihin shaqooyin badan islamarkaana looga baahanyahay Hormarinta Caasimada Muqdisho.