Dowladda Kenya Oo Bilowday Kala Saarida Qaxootiga Soomaalida Ee Haysta Dhalashadeeda iyo kuwa Aan Haysan

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa bilaabay baaritaan muddo bil ah soconaya oo ku saabsan xerada qaxootiga dhadhaab. dowladda dalka Kenya ayaa ka arrin saneysa Cida magangalyo doonka ah iyo cidda haysata dhalashada dalka  Kenya.

Xerada qaxootiga dha dhaab ayaa iminka  waxaa ku nool ilaa 200,000 oo qaaxoti soomaliyeed ah ku waasoo kasoo cararay dagaalada sokeeye ee dalka soomaliya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 40,000 qof oo haysta dhalashada dalka Kenya islamarkaana  ah  muwadiniin kenyaati ah ay kujiraan xeryaha dhaadhaab  kuwaaso si been abuur ah u sheegay inay yihiin qaxooti soomaliyeed si ay u helaan gargaarka hay’adaha samafalka iyo in ay u Gudbaan wadamada reer galbeedka ayagoo wata aqoonsiga xaqootinimada.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in xerada oo ay doonayeen in la xiro ay tahay goob lagu diiwaan galiyo  dagaal yahannada alshabaab . tan iyo markii ay shir sedex geesod oo ay yeesheen dowladda federaalka Somaliya ,dowladda Kenya iyo hay’adda qaxoontiga ee qaramada  midoobay ayay sheegtay UNHCR sheegtay in 80,000 oo qaxooti soomaali ah ay dalkooda hooyo ay ku labteen.