Dowladda federaalka dadaal kuma yareen haddana dadaalkeeda laguma wada diirsan

Dawladda Federaalka ee iminka jirta isla markaana uu Hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay Talada Dalka soo maamulaysay wax ka badan iyadoo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo Khudbaddiisii u horeysay  ee Madashadii Doorashada uu ka jeediyay ayaa wuxuu Seddax mar ku cel celiyay in mudnaantiisa koowaad ay tahay Nabadgelyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadaladiisii ugu horeeyay waxa laga maqlayay in sidoo kale uu wax badan ka qaban doono arrimaha Musuq Maasuqa, sidaa si la mid ah waxaa isaguna arrintaa mar walbuu hadlo ku shanqariya Ra’iisul wasaarihiisa Kheyre oo isaguna sheega in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Musuq Maasuqa la sheego inuu Ragaadiyay Maamulka Xukuumadda.

In kastoo Hadaladaas ay jeediyaan Madaxda Dalka ugu sarreyso ay u muuqanayaan kuwa aad u qurxoon haddana marka wax qabadkooda la eego gaar ahaan   Hay’adaha Dastuuriga ee Dawladda oo badankood Magac u yaal mooyee meel ay ka shaqeeyaan aan la garanayn

Dawladdu wax waa qabatay gaar ahaan dhinaca Siyaasadeeda arrimaha Dibadda marka la eego wax bartood ayaa u qabsoomay sida soo celinta Depulumaasiyadii oo Xiriirkii Dawlado badan dib u soo celisay isla markaana Mashaariic iyo heshiisyo aan dhamaad lahayn ay gashay, haddana weli Dadka Dhaliila Xukuumaddu waxa ay leeyihiin Dadaalka ay waddo Xukuumaddu waa mid aan na deeqin.

Dhinaca kale mudadii ay jirtay Xukuumaddan waxa ay gaalan-gal badan ay u gashay sidii loo dhisi lahaa Maamul Goboleedyo xubin ka ah Federaalka taasoo qudhooda aad moodo in weli Xukuumaddu la harjadayso sidii ay Maamuladaasi ugu sal dhigi lahayd in kastoo weli fari aanay ka qodnayn.

Arrimaha Ammaanka oo ahaa balan qaadkii u horeeyay ee Madaxweynaha Ayaan wada dhamays tirmin, welina Gobolada Dalka waxaa ka jira Xaalado amni darro iyo Dagaalo mar mar halkaa ka dhaca, waxaana ugu daran Xaaladda isu socodka Gobolada iyo Degmooyina, halka dhinaca kalena Bulshada ku dhaqan Gobolkan Banaadir ay ka cabanayaan Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee magaalada ka dhaca kuwaasoon weli loo tag helin xilli Magaalada ay ku sugan yihiin Kumanaan Ciidan ah  Dhagaxyadiina ay ku go’an yihiin Waddooyin badan oo qayb ka ahaa isu socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Xaaladda ugu daran ee Xukuumadda looga fadhiyay ayaa ahayd Dhaqaalaha oo ciriiri fara badan uu ka jiro gaar ahaana Shaqo abuurka iyadoo Sanad walba Jaamicadaha iyo Dugsiyada sare ee Dalka ay ka soo baxaan Kumanaan Arday ah kuwaasoo guryahooda dib ugula laabta Shaqo la’aan  mararka qaar keenta in Dhallinyaradu Dalka ay isaga tagaan marba haddii aqoontoodii ayan ku helayn Shaqo.

Inta qodobadaas aan kor ku soo sheegnay ay Dalka ka jiraan lama oran karo Dawladdu way ku guulaysatay balan qaadyadeedii iyo wax qabadkii looga fadhiyay oo ah in ay dib u soo celiso Hay’kalkii Dawladnimo iyo Adeegyadii ay Bulshadeeda baahida u qabtay.

Duruufaha jira dartood iyo Mas’uuliyiinta qaarkood oo aan Nidaamka Dawladnimo wax badan ka fahamsanayn ayaa waxay keentay Dalku ay ku habsato Duufaan Jah-wareer iyo Degganaansho la’aan dhanka wax qab adka Xukuumadda.

Sidaa darted maadaama uu  waqtiga u haray Xukuumaddu uu yahay mid aad u kooban waxaa la gudboon in ay Shacabka u soo ban dhigto barnaamijyo cad cad oo ay ku qeexeyso, waxyaabihii u qabsoomay, waxa aan u qabsoomin, sababta ay u qabsoomi waayeen, haduu jiro Musuq maasuq bar la haray wax qabadkeedii markaasna ay bayaaniso in ay tahay Xukuumad Fashilantay ama mid Guulaysatay.

Ugu dambayntiina DAWLADDA FEDERAALKU DADAAL UMA YAREEN HADDANA  DADAALKEEDU LAGUMA WADA DIIRSAN taasina waa aragtida ay qabaan Mucaarad iyo Muxaafadba.