Dooni Sida Hub iyo Saanad Milatari oo Gaartay Degmo ka tirsan Gobolka Mudug

Dowladda Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in hub iyo saanad Milatari ay ka dajisay degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi oo aad u fara badan ay dowladdu doomo dheereeya ku geysay dekedda magaaladaasi, kuwaas oo hubka ka qaaday dekedda Muqdisho.

wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in hubkaasi iyo saanada Milatari loogu tala galay Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ee ka howlgala Galmudug.

sikastaba hubkaan iyo saanada milatiri ee saaka gaaray degamada hobyo ayaa wax ay ku soo aadayaan xili Maamulka galmudug la filaayo in ay ka qabsonto doorashada Magaalada Dhuuso mareeb ee xarunta maaamulka Galmudugm.