Donald Trump oo Sheegay in Uu soo Celinayo Wada Hadalada kala Dhaxeeyay Kooxda Taliban

Madaxweynaha mareykanka Donald trump oo ku sugan dalka afganistan ayaa sheegay in mareykanka uu dib u bilaabay wada hadaladii nabadeed ee uu la lahaa kooxda Taliban xilli uu booqasho aan la shaacin ku booqday Ciidamada mareykanka ee ku sugan Afghanistan.

Madaxweyne Donald trump ayaa sido kale intuu ku sugnaa afgaanistaan waxa uu la kulmay madaxweynaha afganistan Ashraf Ghani in kasta oo aan faah faahin laga bixin waxa ay labada madaxweyne ay kawada hadleen.

Wada hadalada u daxeeya mareykanka iyo kooxda taaliban ayaa hakad ku yimaday  bishii septembar kadib markii uu madaxweyne Donald trump uu ku tilmaamay wada hadalkaas mudada dheer so socday uu yahay mid dhintay.