Dibadbax looga soo horjeedo Axmed Madoobe iyo Kenya oo ka dhacay Gedo

Dibadbax balaaran ayaa maanta wuxuu ka dhacay Degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo iyo nawaaxigeeda iyadoo dibadbaxaasi ay dhigayeen shacabka ku nool degmada iyo nawaaxigeeda waxaana siweyn loogu soo horjeeday caleema saarkii shalay Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ee ka dhacay magaalada Kismaayo iyo ka qayb galkii wafdiga Kenya ka socday.

Shacabkan oo qaarkood la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn madaxtanimada Jubbaland ee Axmed Madoobe sidaas awgeed sharcidaro ahayd wufuudii kala duwanayd ee shalay ka qayb gashay xafladii ka dhacday Kismaayo.

Sidoo kale waxay cambaareeyeen xadgudubka dowladda Kenya shalay ku soo samaysay Soomaaliya ee ahaa in sisharcidaro ah Soomaaliya ay ku soo galeen wafdigii uu hogaaminayay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ee ka qayb galay caleema saarkii Axmed Madoobe.

Dibadbaxayaasha ayaa baaq udiray golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay deg deg usoo saaraan go,aan rasmi ah oo dalka looga saarayo Ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya ee ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Shacabkan banaambaxa ka dhigay degmada Garbahaarey iyo nawaaxigeeda ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in xadgudubka Soomaaliya ku samaysay raali gelin ka bixiso haddii ka bixin waysana ciqaab adag lakulmi doonaan Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya.