Dibaad-Baxayaal Horleh oo lagu Dilay Baqdaad

Afar qof  ayaa lagu dilay 48 kalana waa lagu dhaawacay maanta oo  khamiis ah kadib markii ciidamada amniga ciraaq ay rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa ay ku fureen mudaaharaayal gudaha Baqdaad siday sheegen ilo caafimaad.

In ka badan 300 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha magaalada baqdaad iyo koonfurta ciraaq horaantii Oktoobar taasi oo ka dhigeysa banaan baxyadii ugu balaarnaa tan iyo markii uu dhacay xukunkii  Saddam Hussein 2003.

Rabshadaha ayaa burburiyay xasiloonidii dalka ayadoo adeegsiga rasaasta nool,gaaska dadka ka ilmeysiiya ay sii kiciyeen xasillonida.  dhanka kale mudaaharaayasha  ayaa u arka  dowladda inay u adeegeyso quwado  shisheeye xili ay dalku ka jirto saboolnimo , shaaqo laan , daryeel xumo,  caafimaad iyo waxbarasho la’aan.