Dhageyso: Maamulka Degmada Bardaale oo Dalbaday Gurmad Deg deg ah

Wararka aynu ka heleeyno degmada berdaale ee gobolka baay ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dhufteen daadad ka imaaday roobab baaxad leh oo halkaasi ku da,ay  maalmahii lasoo dhaafay roobabka halkaas ku da,ay ayaa dhaliye barakac xoogan oo ay ku barakaceen ku dhawaad lix kun oo qoys

Dhanka kale  Gudoomiyah degmada berdaale ee gobolka baay  maxamed isaaq xasan Cara cas oo Idaacada Danan ayaa sheegay in ay u baahanyahiin gargaar deg deg oo ay wax ugu qabtaan dadka halkaasi ku dhibaateysan

gudoomiyaha degmada berdaale oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray madaxda ugu sareeysa dowlada federaalka soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamka asigoo ka codsaday in ay gurmad xoogan lasoo gaaraan si dadkaaas naftooda loo badbaafiyoo

Ma ahan degmada berdaale oo kaliya halka ay ka dhasheen Fatahaada ay dadku ku barakaceen balse wax sidoo kle ay barakac xoogan ka jiraa magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan  aydoo ay jiraan qasaaro isugu jiro naf iyo maal.