DEG DEG: Wafdigii Madasha Xisbiga qaran oo la fasaxay iyo Ra’sal wasaare Xasan Cali kheyre oo Safarkii baladweyne ka baaqday

Wafdigii madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaaminayeen Madaxweynayaashii hore sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan sheikh Maxamud oo saacadu ka hor lagu xayiray garoonka Muqdisho ayaa hadda loo Ogolaaday in ay u Baxaan Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Waxaan goordhow garoonka Aaadn Cade ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaardii ay Raaci lahaayeen Wafdiga, kadib amar kusoo baxay Dowladda sida ay sheegeen qaar Kamid ah Masuuliyiinta madasha Xisbiyada Qaran ee ku wajahan magaalada Beledweyne .

dhanka kale Ra’sal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday bixitaankii  beledweyne waxana la fasaxay diyaaraddii ay waday Wafdiga madasha qaran oo uu hoggaaminayo Sheekh shariif