Dad shacab iyo Askar iskugu jira oo lagu Dilay Dalka Meksiko

Toban ruux oo looga shakisan yahay inay ka ganacsadaan daroogada iyo afar boolis ah ayaa lagu dilay howgal ay kooxo burcad ah ka fuliyeen magaalo ku taala meksiko oo ku dhow xadka mareykanka maalmo un kadib marki madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu sheegay in  Burcadda  meksiko ay yihiin argagixiso.

Laamaha Amaanka ayaa sheegay in booliiska Gobolka ay isku dhaceen koox hubeysan oo watay gawaarida xamuulka qaada meel qiyastii 65 kiilo mitir kaga beegan Xuduuda mareykanka uu la wadaago meksiko.

Burcad Aad u hubeysan ayaa inta badan ka geysta dilal iyo afduub dalka meksiko ayagoo  ka hor imaadsan siyaasada madaxweyne Donald Trump ee  ku Aadan meksiko ayagoo dilal qor sheysan ku dila shaqsiyaadka Xiriirka la leh dowladda mareykanka.