Dad shacab ahaa Oo lagu Dilay Deegaanka Towfiiq Ee G/Mudug

Wararka inagasoo gaaraaya deegnka toowfiq ee gobolka mudug ayaa sheegaya in halkaa  Habeenimadii xalay ahaa lagu dilay laba ruux oo shacab ah dilkaan oo ay geesteen koox hubeysan ayaa waxa lagusoo waramayaa in dadka la dilay ay ahaayeen dad kasoo jeedaa maamulka putland.

Dhanka kale Maxamed maxamuud oo ah taliyaha ciidamada daraawiishta maamulka putland ee Gobolka mudug  oo danan u waramay ayaa sheegay in shacabka lagu dilay deegaanka toowfiiq ay ka danbeeyeen dilkooda ciidamo ka tirsan maamulka galmudug kuwaas oo si bareer ah laba ruux oo shacab ah ugu dilay deegaanka toowfiiq  ee gobolka mudug Waxaana uu tilmaamay  in aano qabiil loo dilay   labada ruux ee xalay halkaas lagu dilay.

Maamulada galmudug iyo puntland ayaa sanadahii lasoo dhafay waxaa ka dhaxeeyay dagaalo qabiil iyadoo xal waara laga gaaray mudadii lasoo dhaafay inla nabadeeyo xadka ay wadaagaan labadaasi maamul.