Dad lagu dilay Magalada Baqdaad

Ciidaamada Amaanka ciraaq ayaa dilay ugu yaaran afar qof maanta oo khamiis ah waxaana dhaawaceen in  kabadan 50 qof kadib markii ay isku dayeen in ay mudaaharaadayaasha dib ugu riixan xero weyn ee ku taala bartamaha Baqdaad.  Ciidamada amniga ayaa adeegsaday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan boqolaal dibadbaxayaal ah oo isugu soo uruuray meel u dhow fagaaraha tahriir sida ay sheegtay wakaalada wararka ee reuters.

In ka badan 300 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii mudaaharaadyaasha ay  ka qarxeen magaalada Baqdaad iyo koonfurta dalka  horaantii oktoobar .bannaan baxayaasha ayaa arbacadii dab qabadsiiyey guryo ay leeyihin saraakisha magaalada Gharraf.