Dad lagu Dilay Ciraaq kadib weerarkii lagu Qaaday Safaarada Iiran ay ku leedahay Dalkaasi

Ciidamada amaanka ciraaq ayaa ku dilay 14 mudaaharaadyaal  magalada Najaf ee dalka ciraaq sida ay sheegeen sarakiisha caafimaadka ee magaaladaasi  kadib markii mudaaharaadayaashu ay gubeen qunsuliyada Iiran ay ku leedahay dalka ciraq.

Weerarada  ay shacabka ciraaq ay ku qaaden qunsuliyada Iiran ayaa kor u sii qaaday rabshadaha dalka ciraaq ka dib toddobbaadyo mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda ciraaq taaso taagero buuxda ka haysata xukuumadda Tehraan ay magaaloyinka ciraaq ay ka dhacayeen.

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada Najaf arornimadii saakay  ayadoo xafiisyada dowladda albaabada  leysugu dhuftay sida ay warisay war baahinta dowladda ciraaq