Booliska Soomaaliland oo xabsiga dhigay 9 Ajaaniib ah

Saaka aroortii ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliland waxay xabsiga utaxaabeen 9 qof oo udhashay isutaga Imaaraadka carabta,iyagoo doonayay inay ka dhoofaan Garoonka Cigaal International ee Magaalada Hargeysa.

Dadkan udhashay Imaaraadka Carabta ee hadda ku xiran magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ayaa doonayay in saaka si qarsoodi ah ugu dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Cigaal ka dib waxaa ka war helay Taliska Booliska Soomaaliland iyadoo 9 koodiiba loo taxaabay Jeelka ku yaalla magaalada Hargeysa.

Shaqsiyaadkaas Ajanabiga ah ayaa dhamaan waxay yihiin Rag waxaana la sheegay in isbuucyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen deegaanada Soomaaliland iyagoo qaab dhuumaalaysi ah ku joogay deegaanada Maamulka Soomaaliland sida lagu soo eedeeyay raggan udhashay Imaaraadka Carabta.

Agaasimaha Doorjoogta Soomaaliland Naasir Xuseen oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in 9-qof ee udhashay Imaaraadka Carabta deegaanada Soomaaliland ay ku soo galeen sifo sharcidaro ah iyadoo intaas hadalkiisa ku daray in sharciga la hor keeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan sida uu Warbaahinta u sheegay Agaasimaha Doorjoogta Soomaaliland mudane Naasir Xuseen.

Naasir Xuseen Agaasimaha Doorjoogta Soomaaliland ayaa wuxuu sheegay in Raggan u dhashay Imaaraadka Carabta si sharcidaro ah u ugaarsanayeen ugaadha ku nool deegaanada Soomaaliland haddana sharciga la marsiinayo.

Deegaanada Soomaaliland ayaa sanadihii dambe waxaa si xowli ah ugu qulqulayay Ajaaniib wadamo kala duwan udhashay iyagoo kala barnaamijyo ah qaar madaxda Soomaaliland ay og yihiin iyo kuwo si qarsoodi ah loogu dusiyay Soomaaliland.

Xariga raggan udhashay Imaaraadka Carabta ay ugeysteen Soomaaliland ayaa waxay noqonaysaa tallaabadii ugu horeysay oo maamulka Soomaaliland ay ka qaadaan Imaaraadka Carabta.