Baarlamaanka Ciraaq oo Ansixiyay is Casilaadii Ra,iisal Wasaare Cadil Cabdul Mahdi

Baarlamaanka ciraaq oo maanta kulan ku yeeshay caasimada baqdaad ayaa ansixiyay is casilaada ra,iisal wasaare cadil cabdul mahdi intii lagu jiray kala fadhigii maanta ay baarlamaanka ku yeesheen baqdaad.

Madaxweyne Barham Saalax ayaa laga filayaa in Xisbiga talada haya sido kalana haysta Caqlibiyada baarlamaanka in uu ugudbiyo codsi lagu soo magacaabayo ra,iisal wasaare cusub sida uu  qabo qodobka 76-aad ee dastuurka dalka ciraaq.

Ra,iisal wasaare hore cadil cabdul mahdi ayaa jimcihii si rasmi ah u gudbiyay dalabkiisii ahaa inuu Xukunka ka dego ka dib dilkii in ka badan 50 Mudaaharaadayaal oo ay dileen Ciidamada amaanka ee magaalooyinka Baqdaad ,Nasiriya iyo Najaf.